Boqoradda dalka Britain oo billad guddoonsiisay Nin Somali ah

Boqoradda dalka Britain, Queen Elizabeth waxat Qasriga Brimingham ku qaabishay Abdulkadir Aden Hassan oo ka mid ah Soomaalida Reer Kenya, kaasi oo ah U Dhaqdhaqaaqe dhinaca Dhirta.

Abdulkadir Aden Hassan oo 21-jir ah waxa uu caan ku noqday isagoo hal million oo geed ah ku beeray Gobalka W/bari ee Kenya oo ay Soomaalidu deggan tahay.

Ninkaasai ayaa sheegay inuu doonayo inuu doonayo inuu hal million oo geed abuuro shantii sanno mar, si looga hortago Abaarta iyo Nabaad-guurka.

Abdulkadir Aden Hassan  oo ay wehliyeen saddex dhallinyaro oo Kenyaan ah waxa uu intii uu joogay magaalladda London la kulmeen Ra’isul-wasaare FDAVID Cameroon, waxayna booqdeen Xarumaha Dhexe ee ay BBC World Service iyo Twitterka ku leeyihiin magaalladda London.

Barnaamijka Abaalmarinta ayaa la siiya, laguna taageeraa Dhallinyaradda ku nool guud ahaan dalalka ku bahoobay Barwaaqo-sooranka  (The Common Wealth).

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor