Dhageyso:-Boqolka Cisho ee uu xilka hayo Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu qabtay wax la taaban karo.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed C/llahi Farmaajo oo kusoo baxay doorashadii Dalka ka dhacday 8-bishii Feberaayo ee sanadkaan ayaa waxaa uu jirsaday Boqol cisho.

Dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya muda uu xilka hayo Madaxweyne Farmaajo iyo waxa uu qabtay.

Aqoonyahay Xasan Xeyle Tooxoow oo ka faalooda arimaha siyaasada kuna sugan Dalka Boqortooyada Sacduudiga ayaa wareysi uu siiyay Radio Dalsan,waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wax badan ka qabtay xiriirkii dhanka soohdinta iyo Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi,Dowladiisana ay guul ka keentay heshiiskaasi ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Kenya.

Waxaana uu soo hadal qaaday Aqoonyahan Xeyle arimaha Amaanka iyo Xiriirka Caalamka waxa uu ka qabtay Madaxweyne Farmaajo.

Halkan ka dhageyso Wareysi Aqoonyahan Xasan Xeyle:

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media