Boqolaal Tahriibayaal oo ay Somali ku jireen oo laga soo badbaadiyey Badweynta Mediterranean

In ka badan 200 Tahriibayaal ka soo kala jeeda 15 Waddan ayaa shalay laga soo badbaadiyey Dooni ka soo shiraacatay Libya, kuna sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Tahriibayaasha la badbaadiyey waxay ka soo kala jeedeen dalalka Somalia, Ethiopia, Eritrea,Yemen, Nigeria iyo Beniin.

Tiro ka mid ah Tahriibayaasha la soo badbaadiyey waxay u sheegeen Shaqaalaha Samafalka  inay iyagu yihiin Dhibanayaal Jir-dil iyo Kufsi kala soo kulmay  Maleeshiyooyinka Liibiyaanka, kuwaasi oo bilooyin badan u ahaayeen Maxaabiis.

Dhinaca kale, Doonyaha Gurmadka ee MSF iyo SOS Mediterranee waxay maalmihii Talaadada iyo Arbacadda ee isbuucii hore soo badbaadiyeen 600 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen 241 carruur aysan Waalidkooda la soconin.iyo 11-haween oo xaamilo ahaa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media