Boqolaal Tahriibayaal oo ay Somali ku jireen oo la badbaadiyey iyo Wiil Somali oo geeriyooday

Markabka dagaalka ee Andrija Mohorovicic ee laga leeyahay dalka Koroshiya ayaa waxa uu badbaadiyey 218 Tahriibayaal, kuwaasi oo ku xayirmay Badda Mediterreaneanka.

Hadal ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in Tahriibayaashaasi ay la socdeen dooni ka soo shiraacatay Xeebaha Libya, kuna wajahnayd Xeebaha Talyaaniga.

Tahriibayaashaasi la badbaadiyey oo ay carruur iyo haween ayaa waxay badankooda ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Syria iyo Eritrea.

Tahriibayaashaasi waxaa sin bad ah lagu gaarsiiyey Dekedda magaalladda Kataaniya ee dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, Nin Sudan oo ka mid ah Tahriibayaasha ayaa u geeriyooday Cuddurka Sonkorta, isagoo aan waxba cunin saddexdii maalmood ee uu saarnaa Doonta Tahriibayaasha.

Sidoo kale, Wiil Somali oo 15 jir ahaa, kana tirsanaa Tahriibayaasha ayaa  geeriyooday, wax yar kadib, markii la soo badbaadiyey.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor