Boqolaal Tahriibayaal oo ay ku jireen Somali oo la badbaadiyey, lana geeyey Talyaaniga.

In ka badan 700 Tahriibayaal Afrikaan oo lasocday dhowr dooni oo ay kaga soo shiraacdeen Xeebaha dalka Libya ayaa lagu badbaadiyey Badda Mediterranean Sea.

Markab lagu magacaabo Siem Pilot oo laga leeyahay dalka Norway ayaa soo badbaadiyey ku-dhawaad 723 Tahriibayaal, kuwaasi oo si nabad ah loo geeyey Dekedda magaalladda Trapani ee Galbeedka Xeebta Gobalka Sicily.

Tahriibayaasha waxaa ka mid ahaa 20 haweeney oo Xaamilo ah iyo 29 carruur oo aysan cidna la soconin.

Sidoo kale, Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in maydka nin ka mid ah Tahriibayaasha uu saarnaa Markab, kaasi oo la sheegay inuu si caadi ah u geeriyooday.

Tahriibayaasha la badbaadiyey oo badankooda Afrikaan ah, ayaa waxay ka kala yimaadeen dalalka Somalia, Ethiopia, Eritrea, Gambia, Senegal iyo Nigeria.

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor