Boqolaal Tahriibayaal la socday Doon si xad dhaaf loo soo buuxiyay oo la badbaadiyey

Ciidamada badda Tunisia ayaa Jimcihii soo badbaadiyay 487 tahriibayaal ah oo la socday doon si xad dhaaf loo soo buuxiyay, taas oo dhibaato ka heysatay safarka badda Mediterranean-ka, xilli ay doonayeen in ay gaaraan Yurub.

Doontan ayaa siday dad tahriibayaal ah oo u kala dhashay dalalka Masar, Syria,Sudan, Pakistan, Itoobiya iyo Falastiin, waxaana ciidamada baddu ay sheegay in ay ku jireen 13 haween ah iyo 93 caruur ah.

Bilihii la soo dhaafay, dhowr shil oo ay dhinteen tahriibayaal ayaa ka dhacay meelo ka baxsan Tunisia, iyadoo ay kordheen safarada tahriibka ah ee imaanaya Tunisia iyo Libya ee ku sii jeeda dhanka Talyaaniga.

Boqollaal kun oo qof ayaa sannadihii u dambeeyay ka gudbay marinka halista ah ee Mediterranean-ka, kuwaas oo intooda badan ka soo cararay colaadaha iyo faqriga ka jira Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wakaaladda wararka ee Reuter ayaa qortay in muhaajiriinta la soo badbaadiyay la geeyay dekedda El Kitf ee magaalada Ben Guerdane.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor