Boqolaal Tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyey meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya

Ciiddanka Badda ee dalka Ireland ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen 225 Tahriibayaal. Kuwaasi oo la socday labo dooni oo ka soo shiraacatay Xeebaha Libya, kuna soo jeeday Xeebaha Talyaaniga.

Markabka Dagaalka ee Le Niamh oo ay Mariniska Ireland leeyihiin ayaa u gurmaday Tahriibayaashaa, oo qeylo-dhaan gurmad soo dirsaday, xilli ay ku sugnaayeen Badda Mediterranean Sea, oo 112-KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalka Libya ee Tripoli.

Afhayeen u hadlay Ciiddanka ayaa sheegay in Hawlgalkaasi oo qaatay in ka badan 9 saacadood  lagu soo badbaadiyey 107 qof oo isugu jiray rag, haween iyo carruur, oo la socotay Doonida Koowaad, halka doonida labaadna laga soo badbaadiyey 118 qof.

Afhayeenka ma sheegin dalalka ay ka soo kala jeedeen Tahriibayaasha oo si nabad ah ku gaaray Xeebaha Talyaaniga.

Inta badan Tahriibayaasha isku biimeeya Safarkaasi ayaa ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Eritrea iyo kuwo kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor