Boqolaal Soomaalida ka soo carartay Yemen oo dib loo dejiyey Ethiopia.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee The International Organization for Migration (IOM) ayaa sheegtay inay 621 Qaxootio  Somali magangelyo-doon ah oo ka yimid Sheder dib loo dejiyey Xeradda Qaxootiga ee Dollo Ado ee dalka Ethiopia.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda IOM ayaa lagu sheegay inay Dib-u-dejintaasi socotay muddo  2 bilood ah.

Qaxootigaasi oo la sheegay inay ka soo qaxeen dagaalladda ka socda dalka Yemen ayaa soo maray Gobalka W/galbeed ee Maamulka Somaliland, ka hor intaysan Ethiopia ka soo gelin Barta Kontoroolka ee Degaanka Tog-wajaale oo ku taalla xuduudka kala qeybiya Ethiopia iyo Somalia.

Xafiisyo-hoosaadka Hay’adda IOM ku leeyihiin magaalladda Jigjiga iyo Dolo Ado ee Ismaamul-gobaleedka Soomaalida ku nool Ethiopia oo kaashanaya Hay’adaha UNHCR iyo ARRA ayaa waxay Qaxootigaasi Soomaalida u soo gudbiyeen Xerooyinka Qaxootiga ee Deegaanka Dolo Ado, halkaasi oo ay iska diiwaan gelin karaan, kana macaashi doonaa Taageeradda la siinayo.

Dib-u-dejintan oo bilaabantay bishii December ee sannadkii 2015-kii, ayaa waxaa qeybtii ugu dambeysay ee Qaxootigaas oo tiradoodu dhan tahay 92 qof dib loo dejiyey maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor