Boqolaal Soomaali qaxooti ku ahaa Kenya oo ku soo laabtay dalkooda hooyo.

 

In ka badan 60,000 oo Qaxooti Soomaali ayaa si iskooda ah ugu so olaabtay dalkooda, tan iyo markii la bilaabay Barnaamijka dib-u-celinta Qaxootiga sannadkii 2014-kii.

Madaxa Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga, Harun Komen ayaa sheegay inay taageero siiyeen in ka badan 10,000 oo Qaxooti ah si ay ugu soo laabtaan Somalia, halka 50,000 oo kalena ay taageero la’aan iskooda ugu laabteen Somalia.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in inta badan Somalia haatan nabad ka jirto, tan iyo markii ay Ciiddanka AMISOM kala wareegeen Alshabaab degmooyin ku yaalla Koonfurta Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya taageeri doonto dhamaan Qaxootiga Soomaalida ee doonaya inay ku soo laabtaan Somalia, oo uu xusay inay Somalia haatan ka jirto Dowlad Deganaansho leh.

Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya oo tiradooda lagu qiyaaso 630,000 oo qof ataa waxay tiradaasi sii korodhay, kadib, markii ay Somalia ka dhaceen Abaaraha.

©Radio Dalsan