Boqolaal Soomaali ah oo lagu xiray magaalladda Nairobi

NBITaliyaha Guud ee Boliska magaalladad Nairobi, Japheth Koome ayaa sheegay inay 33 dhallinyarro Soomaaliyeed oo aad u da’ yar ku qabteen qeybo ka mid ah Nairobi

Waxa uu sheegay inay dadkaasi haysanin Waraaqaha caddaynayo inay ku joogi karaan Kenya.

Taliyihi waxa uu tilmaamay in raggaasi da’da yar la soo taagi doono Maxkmaad si loogu oogo Dembiga la xiriira Sharci la’aanta ay ku joogeen Kenya.

“Haddii uu qof qaxooti ahaan halkan u joogay ama arrin kale, isagoo aan haysanin waraaqaha fasaxa, waxa uu noqonayaa Dembiile” ayuu yiri Taliye Japheth Koome.

Dhinaca kale, Taliyahaasi waxa uu tilmaamay in isbuucii hore la qabtay in ka badan 160-qof oo Soomaali oo ku sugnaa magaalladda Nairobi, kuwaasi oo sharci la’aan ku jooga Kenya.

Waxa uu sheegay in la adkeeyey Ammaanka, iyadoo loo diyaar garoobayo Booqashadda Baadariga Masiixiga, Pope Francis ku imaanayo Kenya.

Xigasho: XINHUA

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor