Boqolaal Muhaarijiin ku sii jeeday Talyaaniga oo la badbaadiyey iyo maydad la helay.

Ciiddanka Badda ee Talyaaniga ayaa sheegay inay maanta badbaadiyeen In ka badan 700 Muhaajiriin la socotay 6 dooni oo ay biyuhu soo galayeen, xilli ay ka soo ambabaxeen Xeebaha dalka Tunisia, kuna sii jeedeen Jesiiradda Sishilis ee Koonfurta Talyaaniga.

Ciiddanka Badda Talyaaniga ee u gurmaday dadkaasi waxay sheegeen in mid ka mid ah Maraakiibtooda uu gacan siiyey Muhaajiriin la socotay Saddex dooni oo ay la socdeen 403 qof iyo  maydadka 4 qof.

Markab kale oo ay Ciiddanka Talyaaniga lahaayeen waxay soo badbaadiyeen 219 qof oo la socotay 2 dooni.

Waxay kaloo Ciiddanka Talyaaniga soo badbaadiyeen 105 Muhaajiriin oo qarka u saaranaa inay doonida la degto.

Ciiddanka Badda Talyaaniga ma sheegin dalalka ay u kala dhasheen Muhaajiriinta ay maanta ka soo badbaadiyeen Badda u dhexeysa dalka Talyaaniga iyo Jesiiradda Sishilis.

Dhinaca kale, Boqolaalka Tahriibayaasha maanta la soo badbaadiyey ayaa waxay timid, iyadoo ay Sirdoonka Reer Galbeedka sheegeen in ku-dhawaad 200,000 oo Muhaajiriin ku sugan yihiin Xeenaha dalka Libya, kuwaasi oo doonaya inay u tahriibaan Xeebaha dalka Talyaaniga.

ku-dhawaad 200,000 oo Muhaajiriin ah oo qorsheynaya inay doonyo kaga tahriibaan Xeebaha Libya ee Badda Mediterranean Sea, si ay u gaaraan Xeebaha Talyaaniga.

Wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka ee lagu magacaabo Welt am Sonntag waxa uu qoray inta badan Muhaajiriintaas ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Eritrea iyo Nigeria, kuwaasi oo sugaya inta uu Jawiga Badda caadi ka noqonayo, si ay doonyo uga gudbaan marinka ay ku gaari karaan Qaaradda Europe.

©Radio Dalsan