Boqolaal Muhaajiriin ku xiran Maraykanka oo cuntada ka soomay.

400- oo  qof oo ku xiran Xarunta dadka lagu hayo ee Deegaanka Tacoma ee magaalladda Washington ayaa la sheegay inay diideen inay wax cunaan, iyagoo ka cabanaya Xaalladda Xaruntaasi iyo iyadoo dib loo dhigay Dhegeysiga Dacwadahooda.

.Xaruntaasi ayaa  leh 1,575 Sariir oo loogu talagalay Muhaajiriinta sugaya in Dacwadooda la dhegeysto ama in laga masaafuriyo Maraykanka, waxaana dadkaasi soo xiray Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee dalkaasi.

Boqolaal Tahriibayaal ku xayiran Xrumaha Federalka ee dalka Maraykankaayaa sannadihii la soo dhaafay ku dhaqaaqay Cunto-ka-soomid ay kaga cabanayeen Xaalladda Xabsiga iyo heerka cuntada la siiyo.

Image result for Activists say immigrants at Tacoma detention center on hunger strike Image result for Activists say immigrants at Tacoma detention center on hunger strike

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media