Boqolaal Maxaabiis Reer Falastiin oo ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda oo ku dhaqaaqay Cunto-ka-soomid.

Ilaa 1,500 Maxaabiis Siyasadeed ayaa maanta bilaabay Gdood Cunto-ka-soomid lagu xusuusnayo Malinra Maxaabiista Falastiiniyiinta ku xiran Yuhuudda.

Gadoodkan Cunto-soomid ayaa ah tii ugu ballaarnaa ee dhac sanooyin kadib, waxaana Kacdoonkaasi hoggaaminayo Siyaasiga  Marwaan Barquuti oo ka tirsan Jabhadda Al-Fatax ee Falastiin.

Sannadkii 2014-kii, 800 Maxaabiis Falastiiniyiin ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda waxay cuntada ka soomeen muddo 63-cisho, ka hor inta aan la gaarin Heshiis ay ku soo af-jareen Gdoodkasi.

6,.500 Maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa la sheegay inay haatan ku xiran yihiin ilaa 6 Xabsi oo ku yaalla gudaha Yuhuudda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media