Boqolaal Askar Ugandese oo qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM oo dib ugu laabtay dalkooda.

Ciiddankaasi oo ahaa  Kooxda 15-aad ee Ciiddanka Dagaalka waxay soo dhamaysteen Hawlgal ay muddo hal sanno ah ku joogeen Somalia, iyagoo qeyb ka ahaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Edward Katumba ayaa soo dhaweeyey Ciiddankaasi oo tiradoodu dhan tahay 1,800 Askari.

Updf1 703x422Jeneral Katumba Wamala waxa uu Ciiddankaasi ku booqday Dugsiga Tababarka Milliteriga ee Singo Millitary Training School.

Dhinaca kale, Barlamaanka dalka Uganda ayaa ugu baaqay Xukuumadda Uganda inay Midowga Europe kala hadlaan mushaar-dhimista lagu sameeyey Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee Barlamaanka Uganda waxay sheegeen inaysan isku dhigmin Mushaarka Ciiddankooda ka tirsan AMISOM la siiyo iyo Khatarta ay kala kulmaan Somalia.

Xildhibaanadda Uganda waxay Xukuumadda Uganda u qabteen muddo 3 bilood ah inay Warbixin ka keenaan macaashka dhaqaalaha ee uu dalka ka helo doorka Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM iyo inay Xukuumadda Uganda dib u eegto Shuruudaha la xiriira Hawlgalladda AMISOM.

Dhinaca kale, Ururka Midowga Europe waxay bishii Janaayo ku dhawaaqeen inay 20% jareen Kharajka Mushaarka Ciiddanka AMISOM, taasi oo la micno ah in Askari kasta oo ka tirsan AMISOM mushaarkiisa bisha  laga jaray 400-Dollar.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor