Booliska Tanzania oo beeniyey inay Alshabaab weeraro ka geysan doonaan dalkaasi

Hadal ka soo baxay Boliska dalka Tanzania ayaa lagu beeniyey warar lagu baahiyey Warbaahinta ay Bulshadda ku xiriiraan ee Social Media, taasi oo lagu sheegay inay Xarakadda Alshabaab qorsheynayaan weerar lagu qaado Machadka Xisaabaadka ee ku yaalla magaalladda Caruusha ee Waqooyiga Tanzania.

Farriimo Online ah oo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa loogu baaqay dadka ku nool Caruusha inay taxadaraan, kana fogaadaan weeraro lala soo beegsan doono goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan.

Afhayeenka Boliska Caruusha, Liberastus Sabaas ayaa sheegay inay eedeymahaasi yihiin kuwo la dhoodhoobay, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax cabsi oo ku soo fool leh dadka ku nool magaalladda loo dalxiis tago ee Caruusha.

Khalkhalka dhinaca ammaanka ee ka taagan dalka Tanzania ayaa yimid, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku hanjabeen inay weeraro ka geysan doonaan magaallooyinka waa weyn ee dalka Tanzania, gaar ahaan Caasimadda Darasalaam iyo magaalladda Mawanza.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor