Booliska Norway oo Baaraya Hooyo Ciidanka Dalkasi ay dhaawacen

Booliska Norway, gaar ahaa Magaalada Oslo ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ku aaday toogasho loo geytay haweeney soomaali ah, oo ay police-ka gurigeeda ugu tageen kadibna ay rasaas la dhaceen.

Balse warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa shegay in police-ka ay soo gaartay fariin deg deg ah oo sheegeysa in ay jirto haweeneey iyadu ku hubeysan midi, oo damacsan in ay gowracdo canug ay iyadu dhashay.

Police-ka ayaa markii ay gaareen halka loogu soo sheegay in ay ku sugantahay gabadha damacsan in ay gowracdo wiilkeeda, ayaa waxaa ay ku arkeen haweeneey soomaali ah oo xiligaasi gacanta ku heysay Mindi, kadibna, police-ka ayaa sheegay in ay seddex jeer ku armeen in ay dhigto hubka, markii ay dhega adeegtayna ay la dhaceen rasaas kagag dhecday qeybaha muhiimsan ee jirka.

Hooyada soomaaliyeed ayaa leh seddex carruur ah, waxaana iminka la geeyay xaruun cafimaad oo lagu dawiiwayo, oo ku taala Magaalada Oslo, iyadoona ay baaritaanka dembigaan ay la wareegeen police-ka dembiyada baara.

Warkooban oo madaxda police-ka ayaana sheegay in ay baaritaano ay ku sameyn doonaan dhacdadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor