Booliska Kenya oo xabsiga dhigay 80 qof oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada

Booliska magaalo xeebeedka Mombaso ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag looga shakisanyahay in ay qorsheynayeen weeraro la damacsanaa in la geysto inta lagu guda jiro maalmaha dabaal-degga Ciida.

Ragga booliska ay gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in dodobaadkii hore weeraro ay qorsheynayeen la fashilayay.

Saddexda nin ee la tuhunsanyahay ayaa lagu kala magacaabaa, Yaxye Salim Bakari oo ah macalin, Julius Mwandenzi alias Zinde, Zebebwa, Ibras iyo Abdallah Ramadhan.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in raggaasi ay kasoo baxsadeen magaalladda Mombaso balse looga daba tagay magaalladda Nairobi.

Sidoo kale nin lagu magacaabo Mohamed Anguzo, ayeey ciidamada ka qabteen magaalladda Narirobi.

Dhinaca kale 50 qof oo tuhmayaal ah ayaa ciidamada la dagaalanka argagixisada ay sheegeen in ay ku dhuumanayaan Nairobi.

“Waxaan warbixin ka helay sirdoonka KDF ee ku sugan dalka Soomaaliya, waxaana howgallo laga fuliyay Mombasa balse mid kamid ah kooxihii la beegsaday ayaa baxsaday intaan howlaglka aan ku jirnay”, sidaasi saraakiisha Police Mombso ayaa sheegay.

80 qof ayaa ciidamada la dagaalanka Argagixisada ay ka xireen magaalladda Nairobi shalay oo Axad aheyd. Dadka la xiray ayaa waxaa ku jira 15 qof oo ajaanib ah.

Bishii April, ciidanka ATPU, ayaa gacanta ku dhigay Athman oo ahaa nin ay ciidamada si weyn u badigoobayeen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media