Booliska Kenya oo qabtay Haweeneey looga shakiyay Argagixisanimo

Guddoomiyaha Degmada Kilifi ee Dalka Kenya Magu Mutindika, ayaa sheegay in Laamaha ammaanku ay Haweeney 44 jir ah oo lagu magacaabo,Saidia Matani; ku qabteen Magaalada, Shalayto gelinkii dambe, ka dib markii ay diidday in la baaro.

Mr; Mutindika ayaa sheegay in Haweeneydan laga helay Saddex baasaboor oo ay lahaayeen Dad kala duwan , wuxuuna intaa raaciyay in loo soo bandhigi doono baarayaasha ku shaqada leh arrimahan, si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay hayaan raadad caddeynaya inay Haweeneydani ku lug leedahay kooxaha Argagixisada, waajibna ay ku tahay inay qabtaan qofkii ay ka shakiyaan isla markaana ay sharciga la tiigsadaan.

Haweeneydan ayaanan weli la shaacin Waddanka ay kasoo jeeddo, iyadoo sida ay masuuliyiinta degaankaasi sheegeen lagu samayn doono baaritaanno dheeri ah si xog buuxda looga helo.

SONNA

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media