Booliska Kenya oo baadi goobaya rag lala xiirinayo Al-Shabaab

Laamaha amniga Kenya ayaa bilaabay howlgal lagu baadi goobayo laba nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaabka ka dagaalama Gudaha Soomaaliya basle dib ugu soo laabteen Kenya.

Raggaas ayaa Magaciisa waxaa lagu sheegay Salim Aboud Sultri kuna magacdheer ‘Survivor’waxaan Booliska Kenya ay sheegeen in uu ku dhuumaley sanayo Masjid ku ku yaal xaafadda ‘Old Town’ ee magaalada Mombaasa,sida lagu yiri War-Saxaafadeed Booliska ka soo baxay.

Ninkani ayaa ka cararay masjidka lagu tuhmay wax yar kadib markii uu ogaaday in la baadigoobayo,halka mid kale la’layaahy halka uu aaday.

“Ninkani lagu magacaabo ‘Survivor’ ayaa si dhow ula shaqeynayey ninka kale ee la yiraahdo Ramadhan Rai Tsungu kuna magac dheeraa ‘Rambo’ kaasi oo isagu la waayey halka uu jaan iyo cirib dhigay,” booliska ayaa arrinkan shaaciyey.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in la xoojiyey baaritaanada goobaha koontoroolada ah,sidoo kalena ay Shacabka ku wargeliyeen in ay lasoo socod siiyaan hadii raggaasi la arko.

Kenya ayaa waxa ay ka mid tahay dadla taageera Soomaaliya,waxaana ciidamo farbadan ay ka joogaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,iyaga oo ku howlgalla magaca AMISOM.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media