Booliska Kenya oo baadi goobaya rag Kenyan ah oo ku biiray Al-Shabaab

Idaacadda KBC ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay Boliska ugu baaqeen dadweynaha inay la wadaagaan xogta ku aadan 3 nin oo Kenyan oo ka soo gudbay Xuduudka, si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Booliska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay raggaasi horaantii bishan April u gudbeen Xerooyinka Tababarka ee Al-Shabaab, lagana cabsi qabo inay dib ugu soo laabtaan Kenya, si ay u fuliyaan weeraro, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hadal qoraal oo ay Boliska Kenya u kala direen Warbaahinta Maxaliga ay ku sheegeen in ragga la raadinayo lagu kala magacaabo:

  1. Maxamed Cabdalla Asman oo loo yaqaan Papa, kana soo tegay Xafadda Majengo ee magaalladda Nairobi,
  2. Xamasi Xamad oo loo yaqaano Boloteli iyo
  3. Cali Axmed Cali, kuwaasi oo ka yimid Gobalka Malindi Kilifi.