Booliska Australia oo baadi goobaya Muwaadin Soomaaliyed oo dil ka geystay dalkaas

Booliska dalkaasi ayaa soo saaray Warqaddii lagu soo qaban lahaa Ninkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax, kaasi  oo lagu eedeynayo inuu Marxuum la oran jirey C/llaahi Maxamed Cigaal ku dilay dalkaasi sannadkii 2015-kii.

Hadal-qoraal oo ay Boliska Australia soo saareen ayey ku sheegeen inuusan jirin Heshiis ay Dowladaha Somalia iyo Australia horey isugu raaceen in Dembiilayaasha la isku soo celin karo.

Eedeysanaha la raadinayo ayaa la sheegay inuu dalka Australia ka soo baxsaday markii uu dilkaasi geystay, isla markaana uu haatan ku sugan gudaha Somalia, inkastoo aysan Boliska si rasmi ah u caddeynin magaalladda uu kaga sugan dalka Somalia.

Boliska Australia waxay sheegeen inuu C/qaadir Faarax ka soo dhoofay Garoonka Caalamiga ee magaalladda PERTH, isagoo Transit ku soo maray Dubai, ka hor inta uusan ku soo laabanin Somalia.

Dhinaca kale, Maydka Marxuumka la dilay ee C/llaahi Maxamed Cigaal oo 25-jir ahaa waxaa maydkiisa la helay bishii October ee sannadkii 2015-kii,  5 bilood kadib, markii la waayey Eedeysanaha dilka geystay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media