Booliiska Talyaaniga oo xiray Nin lagu eedeeyay Burcad Badeednimo

Booliiska dalka Talyaaniga ayaa Xabsiga u taxaabay Muwaadin Soomaliyeed oo ay ku eedeeyeen in uu ka mid yahay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee Markaakiibta kaa afduubta Xeebaha Soomaaliya.

Muwaadinkaan Soomaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed faarax,waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkaasi sitahriib ah ku tegay islamarkaana weeydiistay Magangelyo.

Maxamed Faarax oo ah Muwaadinka Soomaaliyeed ee la xiray ayaa Booliiska Talyaaniga  waxa ay sheegeen in uu ka mid ahaa Kooxo Burcad Badeed ah oo Sanadkii 2011,kii Markab laga leeyahay Talyaaniga Afduubtay.

Waxaa kaloo hadalkooda intaas ku dareen in Ninkaan ay mudo doon doonayeen isaga iyo Saaxiibadiis kuwaas oo Shaqaalo ka tirsanaa Markabkii ay afduubteen ay u geesteen jirdil xoogan ka hor inta aysan ka qaadan lacag madax furasho ah.

Lama oga Booliiska dalka Talyaniga waxa ay ka yeeli doonaan Maxamed Faarax 00 24 Jir ah,waxaana xusid mudan in horay dowladda Talyaaniga sidaan oo kale ay u xireen Muwaadiniin kale oo Soomaliyeed oo ay ku eedeeyeen in ay ka mid yihiin Kooxaha Burcad Badeeda.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media