Booliiska Kenya oo qabtay Nin lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab

Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inay Ninkaasi ku qabteen magaalladda Isiyoolo, kuna tuhusan yihiin inuu ka tirsan yahay Alshabaab iyo inuu ka war hayn jirey Dhallinyarada lagu qabto iyagoo ka soo gudubta Xuduudka, si ay ugu biiraan Alshabaab.

Wargeyska NATION waxa uu ka soo xigtay Saraakiisha in  Shadrack Munene Kabaara oo lagu naanayso  Hassan Munene loo gudbiyey Maxkamadda magaalladda Isiyoolo.

Sarkaalka Dembi-baarista ee Isiyoolo Raphael Barasa  ayaa sheegay inay Maxkamadda ka heleen fasax ay ku sii hayn karaan Eedeysanaha oo mar kale la soo maxkamadayn doono maalinta Isniinta ee soo socota, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan shaki ka qabnaa inuu Hassan Munene uu xiriir la leeyahay Alshabaab ama uu qorsheynayey inuu ka gudbo Xuduudka Somalia, si uu ugu biro Kooxda Daacish|” ayuu yiri Sarkaalkaasi ka tirsan Waaxda Dembi-baarista ee Isiyoolo.

Waxa uu intaasi ku daray inay Isiyoolo ka mid tahay Deegaanadda laga qoro Dhallinyarada doonaysa inay ku biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Tiddobaadkii la soo dhaafay, Boliska Kenya waxay sheegeen inay  4 nin oo u dhalatay dalka Burundi ku qabteen Deegaanka Merille ee Jidka isku xira Isiyoolo iyo Marsabit, kuwaasi oo doonayey inay ka soo gudbaan xuduudka, si ay ugu biiraan Alshabaab.

Eedeysanayaasha oo da’doodu u dhexeysay 41 jir ilaa 20-jir ayaa la sheegay in lagu qabtay Bas ka soo ambabaxay magaalladda Nairobi, kuna sii jeeday magaalladda Mooyaale

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media