Boliska Wajeer oo lagu tuhunsan yahay Dhallinyarro lagu la’ yahay W/bari Kenya

Waxaa sii kordhaya eedeymaha loo jeedinayo Laamaha Ammaanka ee Kenya oo lagu tuhunsan yahay inay xiraan dhallinyarradda looga shakiyo inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Dadka deggan Wajeer ayaa weli baadi-goob ugu jira dad la la’ yahay, kuwaasi oo ay Boliska kala baxeen guryahooda.

Ugu yaraan Shan qof oo ay dad ka maqan yihiin ayaa shalay tegay Saldhigga Boliska Wajeer, iyagoo doonaya inay helaan akhbaarta rag ay Boliska horey u xireen.

Dadka la la’ yahay ayaa la sheegay inay badankooda yihiin dhallinyarro ay da’doodu u dhexeyso 19 ilaa 35 jir.

Khadiija Osman iyo Ceebla Abdullaahi oo iyagu la’ halkii ay ku dambeeyeen raggooda ayaa sheegay inay Ciiddan dhar ah kaxeysteen raggooda xilli habeen ah, isla markaana aysan dib u helin ruuxooda ama raqdooda.

Ilo ku dhodhow Hay’adda Amnesty International ayaa sheegay in ku-dhawaad 500 qof lagu la’ yahay W/bari Kenya.

Dhinaca kale, bishan May 1-dii waxaa Wajeer laga helay Qabuur-wadareed la rumeysan yahay in lagu aasay ugu yaraan 11-qof.

Lama garanayo cidda ku aasatay maydadka halkaasi, inkastoo ay  dadka deegaanka ku eedeynayaan inay Boliska ka dambeeyaan maydadka la helay iyo dadka la la’ yahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor