Boliska Uganda oo gacanta ku dhigay Muwaadiniin Somali si sharci-darro ku soo galay dalkaasi

Hawlgal ay iska kaashadeen Ciiddanka Boliska iyo kuwa Sirdoonka ee dalka Uganda ayaa waxay ku soo qabteen Afar qof oo Somali ah, kuwaasi oo si dhuumaalaysi leh uga soo gudbi lahaa Degmadda Busiya oo ku dhow xuduudka ay Uganda la wadaagto dalka Kenya.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in Afarta qof ee la qabtay ka soo galeen Deegaanka Alupe, iyagoo taageero ka helayey Labo Haween Somali ah oo ku nool gudaha dalka Uganda.

Soomaalida la qabtay ayaa u sheegay Boliska inay ku sii jeedeen magaalladda Kampala.

Taliyaha Boliska ee Degmadda Busiya, Julius Gobolo ayaa xaqiijiyey in la xiray afar qof oo Somali ah oo aan wax Dukumenti ah wadanin.

Waxa uu intaasi ku daray inay dadka deegaanka ku soo wargeliyeen Boliska inay afar qof oo Soomaali ah ku sugan yihiin Deegaanka Busitema oo saaran jidka weyn ee isku xira Malaba iyo Jinja.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in loo gudbiyey Ciiddanka Waaxda Socdaalka ee dalka Uganda, si ay baaritaanno kale  ugu sameeyaan dadkaasi.

Qabashadda dadkaai ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Ciiddanka Ammaanka ee Uganda adkeeyeen Ammaanka xuduudaha, kadib, markii ay Alshabaab baahiyeen Muuqaal Video ah oo ay ku sheegeen inay weerari doonaan dalalka Uganda iyo Burundi oo ay Ciiddamo ka joogaan gudaha dalka Somalia.

Dadka sida sharci-darradda ah lagu soo geliyo dalka Uganda ayaa la sheegay inay tahay Ganacsi ballaaran, iyadoo qofkii doonaya in loo gudbiyo xuduudka Uganda bixinayo lacag dhan 150 Dollar oo u dhiganta 300,000 oo Uganda Shillings.

Xigasho:- The Monitor

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor