Boliska Tanzania oo beeniyey inay dagaal la galeen Alshabaab

Warbaahinta Madaxa Bannaan ee dalka Tanzania ayaa soo weriyey inay Ciiddanka Boliska iyo Dagaalyahanno la sheegay inay taabacsan yihiin Xarakadda Alshabaab ay ku dagaalameen Tuulladda Mziha ee Degmadda Mvomnero ee Gobalka Morogoro ee dalkaasi.

Iska horimaadkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay saddex qof oo ay Warbaahintu sheegeen inay ka tirsanaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab.

Mid ka mid ah Idaacadaha madaxa bannaan ee Tanzania ayaa sheegtay inay Boliska dileen saddex qof oo labo ka mid ay ka tirsanaa Dagaalamayaal Alshabaab oo gabbaad ka dhigan lahaa Kaymaha waa weyn ee Degmadda Mvomero.

Shabakadaha Wararka ee Bulshadda ayaa qoray in iska horimaadkaasi lagu dilay nin lagu magacaabo Kasayn Peter, kaasi oo markii dambe la caddeeyey inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Boliska Tanzania.

Warbaahinadaasi waxay sheegeen in 50 dagaalyahan oo aad u hubeysan ay u gudbeen dhulka Kaymaha ee Njeula Forest ee Gobalka Mvomero.

Hawlgal ay Boliska ku dabagaleen Warbixintaasi ayey ku sheegeen inay ku soo xireen xubno ka tirsan Kooxda la sheegay, isla markaana ay goobta ka soo heleen Labiska Ciiddan, qoryo fudud, Waramo iyo hub kale.

Taliyaha Boliska ee Gobalka Morogoro,Leonard Lwasabuzala oo Fooneeyaha kula hadlay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa caasimadda dalka Tanzania ee Darasalam ayaa beeniyey wararka ay Waraabinadda dalkaasi baahiyeen, wuxuuna xusay in kooxda weerarka geysatay ahaayeen Burcad hubeysan oo ku sugan Tuulladda Mziha ee Degmadda Mvomero..

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Tanzania ayaa horey u sheegtay in miisaaniyad gaar ah loo qoondeeyey in looga hortago Weeraradda Alshabaab, iyadoo ay Muwaadiniin u dhalatay dalkaasi ay xubno ka yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ee dagaalladda kula jira Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka Somalia.

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor