Boliska Talyaaniga oo dib u soo celiyey Tahriibayaal Somali iyo kuwo kale oo u gudbi lahaa Faransiiska

Dowladda Talyaaniga ayaa la sheegay inay ku hawlan tahay sidii ay Tahriibayaasha uga celin lahayd inay ka gudbaan xuduudka Talyaaniga la wadaago dalka Faransiiska.

In ka badan 200 Muhaajiriin ka mid ah kuwii Badda laga soo badbaadiyey ayaa la sheegay inay jiif ka dhigtaan Saldhigyadda laga raaco Tareenadda, kadib, markii ay Boliska Faransiiska adkeeyeen ilaalinta xuduudaha.

Saraakiisha Boliska Talyaaniga ayaa iyagana albaabadda u laabay Xarun lagu soo dhaweeyo Muhaajiriinta oo ku dhow albaabka weyn ee laga soo galo saldhigga Tareenadda ee magaalladda Milan, halkaasi oo ay boqolaal Muhaajiriin ah oo u kala dhalatay  dalalka Somalia, Eritrea, Sudan  iyo Ivory Coast muddo toddobaad ah jiifaan.

Maamulayaasha ayaa walaac ka muujiyey xaalladda caafimaad-darrada ee ka jirta halkaasi.

Qaar ka mid ah Mujaahiriintaasi oo u dhalatay dalka Somalia ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay u gudbaan dalalka kale ee Yurub, gaar ahaan Sweden, Britain, Jarmalka iyo Norway.

Waxay sheegeen inaysan Talyaaniga laga tixgelinin Qaxootiga, lana siinin Dukumentiyadda muhiimka iyo lacagaha loo qoondeeyo qaxootiga.

Muhaajriinta ku soo degay Talyaaniga waxay inta badan awoodaan inay u sii gudbaan dalalka Faransiiska, Austria, Switzerland iyo Slovenia, iyadoo la dhowro Heshiiska Shengen ee fasaxay in la isku furo Xuduudaha Europe.

Maanta oo ay bisha Jun tahay 14, ayaa waxaa loo dabaaldegayaa 30-guuradii ka soo wareegtay markii qalinka lagu duugay Heshiiska the Schengen Agreement oo ay saxiixeen 26-ka dal ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe “EU”-da.

©Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor