Boliska Scotland Yard oo dhowr qof ku xiray Luton.

LUTON 4Ciiddanka Boliska ee La-dagaalanka Argagixisadda ee Britain ayaa la sheegay inay Oogtii hore ee saakayto hawlgalo ka fuliyeen guryo ku yaalla Luton, waxayna soo xireen 4 nin oo lagu tuhunsan yahay inay qorsheynayeen Falal Argagixiso,

Ragga la soo qabtay oo da’da 30-aadka ku jira ayaa la sheegay inay diyaarinayeen falal Argagixiso.

Saraakiisha waxay baareen 7 guri oo ku yaalla Degmadda Bedfordshire, waxayna baareen tiro gaaadiid oo halkaasi yaallay.

Hawlgalkan dadka lagu soo xiray ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay Baaritaano muddo dheer lagu hayey dadka lagu eedeynayo Argagixisadda ee ku nool Luton.

Xarigooda ayaa la sheegay inuusan kulug lahayn weeraradii Daacish bishi ihore ka geysteen caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Dadka deriska ayaa sheegay inay maqlayeen Boliska oo ku qeylinayo: “Noo oggolaada gudaha!!!”.

Waxay Boliska xoog ku jebiyeen Albaab ka mid ah guryaha bar-tilmaameedka  u ahaa Baaritaankooda.

Labo ka mid Saddexda nin ee la qabtay ayaa la sheegay inay la noolaayeen xaasaskooda iyo carruurtooda, halka midka saddexaad ahaa Iskaabulo keligiisa deggan guriga.

Waxaa dadkaasi la qabtay loo gudbiyey Saldhig Bolis oo ku yaalla London.

LUTON LUTON 4 LUTON 3

 

LUTON 2

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor