Boliska Mombasa oo sheegay inay gacanta ku dhigeen arday looga shakisan yahay inay ku biirayeen Xarakadda Alshabaab

Madaxa Boliska magaalladda Mombasa ee dalka Kenya, Robert Kituur ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen arday dhigata Dugsiyadda Dhexem kuwaasi oo qorsheynayey inay u soo ambabaxaan Somalia, si ay ugu biiraan Xarakadda Alshabaab.

Robert Kituur oo Saxaafadda kula hadlay magaalladda Mombasa, ma soo bandhigin caddaymo muujinaya tiradda ardayda ay gacanta ku dhigeen, wuxuuse sheegay in ay Kooxaha wax tashkiiliya bilaabeen inay Ardayda Dugsiyadda Dhexe u qoraan si ay ugu biiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

“Dhawaan, waxaan xirnay tiro arday dhigata Dugsiyadda Dhexe, kuwaasi oo doonayey inay baxsadaan” ayuu yiri Robert Kituur.

Ardayda lagu xiray magaalladda Mombasa ayaa lagu wadaa in Maxkamad la soo taago bishan 29-da.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor