Boliska Masar oo xiray Tahriibayaal Soomaali ku sii jeeday Talyaaniga

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar ayaa sheegay inay qabteen Tahriibayaal u kala dhalatay Somalia iyo Sudan, kuwaasi oo doonayey inay u tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Warbaahinta dalkaasi ayaa shegtay in Tahriibayaasha doonayaan inay dooni ka raacaan Xeebta Degmadda Balatiim ee Gobalka Delta Kafar Alsheekh oo 200-Km u jirta magaalladda Qaahira.

Dhinaca kale, 47  Tahriibayaal u dhalatay dalka Sudan ayaa lagu celiyey dalkooda hooyo, kadib, markii lagu qabtay iyagoo isku diyaarinaya inay u tahribaan Xeebaha Talyaaniga.

Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Tahriibayaashaasi la saaray Diyaarad ku sii jeeday caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Toddobaad kasta, Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar waxay qabtaan Tahriibayaal Masaari iyo kuwo u kala dhalatay dalalka Somalia iyo Sudan, kuwaasi oo doonaya inay u tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Maalintii Talaadada ee la soo dhaafay, saddex dhallinyarro Soomaali ah oo doonaysay inay tahriibaan ayaa waxaa la qalibmay gaarigooda.

Saddexdaasi dhallinyarro oo lagu kala magacaabo     Mowliid Xuseen Afrax oo 30-jir ah, Cabdow Maxamed Mustafa oo 19 jir ah iyo C/raxmaan Yuusuf oo 25 jir ah.ayaa la dhigay Isbitaalka Degmadda Aswaan ee dalka Masar.

 

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor