Boliska Masar oo dil iyo dhaawac isugu daray Tahriibayaal Suudaan ka gudbaysay xuduudka Yuhuudda

Hadal ka soo baxay Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay inay Boliska toogasho ku dileen 15 Tahriibayaal, waxayna dhaawaceen 8-kale, kuwaasi oo laga toogtay caloosha iyo xabbadka.

Toogashadan ayaa waxay ka dhacday Bar Kontorool oo qiyaastii 17 KM dhanka Koonfur kaga toosan Degmadda Rafax ee Masar, una dhow Marinka Qasa ee Falastiin.

Saraakiisha Masar waxay ka gaabsadeen inay ka haadlaan arrintaasi, waayo fasax uma haystaan inay la hadlaan Saxaafadda.

Dilkaasi ayaa ah kii ugu tiro badnaa ooh al mar la dilo Tahriibayaal Afrikaanka oo doonaya inay ka gudbaan Xuduudka Masar, si ay u galaan Dhulka Yuhuudda.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee  Yuhuudda ayaa sheegtay inay in ka badan 45,000 oo Qaxooti Afrikaan u badan kuwo u dhashay Sudan ay ku sugan yihiin gudaha Yuhuudda.

  © Radio Dalsan                      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor