Boliska Maraykanka oo xiray nin Somali lagu tuhunsan yahay dilkii Marxuum kale

Boliska magaalladda Sant Paul ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka waxay gacanta ku dhigeen Nin Somali oo 27-jir ah, kaasi oo lala xiriirinayo  dilka Marxum la oran jirey Ahmed Ismail.

Eedeysanaha oo laga soo  qabtay  Xaafadda Crystal ayaa waxay Boliska ku hayaan baaritaan la xiriira inuu ku lug lahaa toogasho maalintii Sabtida ka dhacday Baar ku yaalla magaalladda Sant Paul.

Dhinaca kale, Marxuumka la dilay ee Axmed Ismail ayaa la filayaa in maanta lagu aaso Qabuuraha Muslimiinta ee Minesota.