Boliska Maraykanka oo shaaciyey magaca Ninkii Soomaaliga ee  ku geeriyooday shilka gaari.

Boliska Degmadda Tukwila ee duleedka caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegay in ay xireen Haweeneydii waday gaarigii geystay shilkii uu ku geeriyooday Nin Somali oo dhawaan u soo wareegay Maraykanka.

Shilkaasi ayaa habeen hore ka dhacay goobta loo yaqaano Sea Tac ee Degmadda Tukwila.

Marxuumka geeriyooday ayaa la oran jirey Cabdulle Maxamed,waxaana la sheegay inuu dhawaan u soo guuray Maraykanka, si uu ugu sii noolaado.

Marxuumka gabadhiisa oo lagu magacaabo Amina ayaa sheegtay inay Boliska ku wargeliyeen inay gaariga waday Haweeneyda Khamri badan cabtay.

Geerida Marxuumkaasi oo 65 jir ayaa waxaa ka wada tiiraanyooday Dadka Soomaalida ee ku nool duleedka Washington, kuwaasi oo sheegay inuu Marxuumku ahaa Zaciim weyn oo magac ku dhex leh Mujtamaca Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Boliska waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Haweeneydii geysatay shilkaasi.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Katherine Ferguson, ayey Boliska tilmaamay inay cabsanayd Khamri ka tan badan inta loo oggol yahay in lagu kaxayn karo gawaarida.

Katherine Ferguson 1

Haweeneydaa ayaa muteysan doonta Xabsi mudaddiisa u dhexeyso 78 bilood ilaa 102 bilood, waxaana haatan lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan 50,000 oo Dollar.

SHIL USA

©Radio Dalsan                 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor