Boliska Maraykanka oo baaraya geerida wiil Soomaali ah oo dabaq laga soo tuuray.

Boliska magaalladda Seattleee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin baaritaankaasi, iyadoo ay dadka Muslimiinta ku nool Maraykanka ka keeneen su’aal qaabka uu dilkaasi u dhacay.

Wiilka la dilay ayaa la oran jirey Xamsa Warsame, wuxuuna Arday ka ahaa Dugsi Sare iyo Kolejka Seattle Central College.

Waalidkiisa waxay la xiriireen Boliska, kana codsadeen Baaritaanka Kiiskaasi, inkastoo ay Boliska sheegeen inaysan weli dad u soo xiran dilkaasi.

Hadal ka soo baxay Waaxda Dab-damiska ee magaalladda Seattle (The Seattle Fire Department) ayaa lagu sheegay inay u gurmadeen Wiilkaasi da’da Tobanaadka ku jiray, kaasi oo ka soo dhacay Dabaq 60 cagood ka sarreeya dhulka.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Ardayda Muslimiinta ku nool bartamaha magaalladda Seattle ayaa sheegay inay cabsi xooggan dareemeen, kadib, markii la dilay Xamsa Warsame.

Qoraallo la soo dhigay Baraha Bulshadda (Social Media) ayaa sheegay in laga yaabo dilkii Xamsa Warsame qeyb ka yahay Nacaybka loo muujinayo Muslimiinta ku nool Maraykanka.

© Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor