Boliska Maraykanka oo baadigoobaya nin Somali la sheegay inuu haweeney afduuban lahaa.

Wargeyska The Southwest Journal ayaa qoray inay Boliska Gobalka Minesotta  ee dalka Maraykanka  baadi-goobayaan nin isku dayey inuu haweeney ku afduubto Jidka West Lake Street ee magaalladda Minneapolis.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa la sheegay inuu ninkaasi haweeney da’ ah ku khasbay inay raacdo garaigiisa, xilli ay ka soo adeegatay Bakhaar halkaasi ku yaallay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninkaasi inu ualbaabka gaarigiisa furay ku khasbay haweeneyda inay gasho gaariga, inkastoo ay ka madax adeegtay amarkiisa.

Waxaa la sheegay intay dhinac isaga ruuxay inay ku carartay Bakhaarki iay ka soo adeegatay.

Ninka Soomaaliga oo da’diisa lagu qiyaasay 18 ilaa 25 jir ayaa la sheegay inuu ku baxsaday gaarigii uu watay , iyadoo ay Boliska baadi-goobayaan ninkaasi.

© Radio Dalsan