Boliska Malta oo baadi-goobaya Nin Somali ah oo Nidaamka is-xambaarka dadka ku soo geliya Malta.

Boliska dalka Malta ayaa sheegay inay baadi-goobayaan Nin Somali oo deggan Saint Paul Bay ee Malta, kaasi oo la rumeysan yahay inuu  250 Muhaajiriin Nidaamka Is-xambaarka kaga soo ambabixiyey  Talyaaniga, isagoo adeegsanayo Dukumentiyo Magangelyo-doon oo la Been abuuray.

Warbaahinta Jesiiradda Malta ayaa sheegtay inuu dadka uu soo dhoofiyey u badnaayeen Somali iyo Syrian.

Afhayeenka Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Malta, ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee timesofmalta.com inay heleen in dadkaasi ku safrayeen Baasaboor Macmal ah oo u badnaa kuwa dalka Giriigga, si ay Magangelyo iyo shaqo uga helaan dalka Malta.

Arrintan Laynka Is-xambaarka ee Mukhalaska Soomaaliga ayaa qarxay, kadib, markii 6 nin oo u dhalatay dalak Syria lagu qabtay Talyaaniga, iyagoo ku soo jeeday Jesiiradda Malta iyagoo watay Baasabooro Macmal ah

Inta badan Magangelyo-doonayaasha Isxambaarka ku soo gala Malta, waxa mid kasta Mobaylkiisa ku jira Sawiro dad isku mid oo lagu dilay colaadaha Syria, oo ay sheegeen inay qaraabo yihiin, isla markaana ay iyaga khatar darteeda uga soo carareen dalkooda hooyo.

Xigasho: Times of Malta

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor