Boliska Kuwayt oo baadigoobayo rag ku xadgudubay  Haweeney Somali ah.

Wargeyska Kuwait Times ee ka soo baxa dalka Kuwayt ayaa qoray inuu Nin Soomaali ah Boliska ku soo wargeliyey inay ugu yaraan 5 nin afduubteen, kadibna kufsadeen gabar ay dhashay Xaaskiisa.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu furay dacwad ka dhan ah raga kufsaday gabadhaasi oo 24-jir ah.

Wargeyska  kale ee Maalinlaha ee Al-ra’yi ee ka soo baxa caasimadda dalka Kuwayt ee Kuwait City ayaa isagana qoray inay Boliska baadi-goobayaan 3 nin oo aan haybtooda la aqoonin, kuwaasi oo fara-xumeeyey gabadha Soomaalida.

Wargeysku waxa uu xusay inay raggaasi gabadha xoog kaga qafaasheen iyadoo lugeynayso waddo ku taalla Degmadda Khaytaan ee duleedka caasimadda dalkaasi, waxaana la sheegay inay gabadha Soomaalida ku kaxaysteen gaari yar oo ay wateen, kadib, markii ay u itaal sheegteen.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inuu soo gaaray Kiiskaasi, kuna raad-joogaan Dembiilayaasha dhibaateeyey Gabadha Soomaaliyeed, lana soo maxkamadeyn doono.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal oo ka soo baxay Safaaradda Soomaalida ku leedahay dalka Kuweyt oo ku aadan Tacadiga la sheegay in loo geystay Gabar Soomaali oo ku nool dalkaasi.

© Radio Dalsan  

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor