Boliska Kenya oo Xerada Dhadhaab ka baadigoobaya Macallimiin la afduubtay.

Hawlgal xooggan ayey Boliska Kenya ka wadaan Xerada Dhadhaab ee W/bari ee dalkaasi, si ay u soo helaan 2 Macallim oo la sheegay in laga qafaashay Xeradaasi.

Taliyaha Boliska Deegaanka, Aaron Morisi ayaa u sheegay Suxufiyiinta inay jiraan tuhuno la xiriira in Macallimiinta lagu hayo meel qarsoodi h oo ka tirsan Xeradda Dhadhaab.

Waxa uu tilmaamay inay Hawlgalkaasi ku soo xireen 200 Eedeysane, lana baari doono haddii ay wax ka og yihiin Afduubka Macallimiinta oo Kenyan ahaa.

Inta badan Afduubyada ka dhaca Kenya waxaa lal xiriiriyaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee inta badan hawlgalladda ka fuliya Goballadda W/bari Kenya.

Bishii la soo dhaafay ee February, labo nin oo aad u hubyesan  ayaa la sheegay in xoog ku soo galeen Dhismaha Dugsi oo ku dhex yaalla Xeradda Dhadhaab, halkaasi oo ay ka afduubteen 2 Macallim oo rag ah, inkastoo ay ka baxsadeen haween macallimiin ahaa.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media