Boliska Kenya oo sheegay inay qabteen rag u dhashay Tanzania oo lala xiriirinayo Alshabaab

Boliska Gobalka Laamo ee Kenya ayaa sheegay in labo nin oo Tanzanian ah ku qabteen Hawlgalladda Milliteri ee ka socda Kaymaha Forest.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Mascuud Bashiir Xamisi ayaa la sheegay in lagu qabtay Kontoroolka Deegaanka Hola.

Waana markii labaad ee Eedeysanahaasi lagu qabtay Kenya, iyadoo bishi iJanaayo ee sannadkan loo masaafuriyey Tanzania.

Eedeysanaha labaad oo lagu magacaabo Tawaha Rashiid Hiyaal waxaa lagu qabtay Degmadda Laamu, xilli uu qorsheynayey inuu ka gudbo Xuduudka Somalia, waa sida ay Boliska Kenya sheegeen.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor