Boliska Kenya oo sheegay inay fashiliyeen weerar uu soo qaaday Sarkaal lala xiriirinayo Alshabaab.-

Boliska Kenya ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto qaadeen Hawlgal lagu beegsaday Sarkaal ka tirsanaan jirey Ciiddanka Tababaran ee RECCE Unit.

Sarkaalka hore ee la beegsaday ayaa la sheegay inuu qorsheynayey inuu weeraro Xarunta Dhexe ee Ciiddanka Gaarka ee GSU Recce ku leeyihiin Degmadda Ruiru.

Wararku waxay sheegayaan in Eedeysanaha oo ah Nin Tababar Sare u leh Hawlaha Ciiddamadda, kana tirsan Xarakadda Alshabaab  ayaa ka baxsaday Hawlgalkii lagu qaban lahaa.

Sarkaalkaasi ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Eric Ngethe Kayingi, kaasi oo shaqada Ciiddanka laga eryey sannadkii 2014-kii.

Afhayeenka Boliska Kenya, George Kinoti ayaa sheegay inay Ciiddanku ku raad-joogaan  Eedeysanaha oo uu tilmaamay inuu yahay Dembiile aad loo yaqaano.

 ©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media