Boliska Kenya oo sheegay inay baadi-goobayeen labo nin oo ku biirtay Xarakadda Alshabaab

Taliyaha Boliska magaalladda Mombasa, Nelson Marwa ayaa xaqiijiyey in la la’ yahay Dhallinyarro ka mid ah in ka badan 200 oo qof oo dhawaan laga sii daayey Xabsiga Shimo La Tewa, kuwaasi oo ay Siyaasiyiinta Deegaanka ka codsadeen Dowladda in la sii daayo Dhallinyaradaasi lala xiririinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabab.

Nelson Marwa oo ka hadlay Shir looga hadlayey Ammaanka waxa uu qiray in la la’ yahay halka ay ku dambeeyeen inta badan Dhallinyarada la sii daayey.

Waxa uu tilmaamay in Dhallinyaradaasi oo bishii September ee sannadkii hore  laga soo kala qabtay dhowr Masjid oo ku yaalla Mombasa  ahaayeen kuwo haystay bam-gacmeedyo, qoryo, isla markaana taageersanaa Xarakadda Alshabaab, wuxuuna intaasi ku daray markii laga sii daynayey Xabsigu inuu qorshuhu ahaa in la dhaqanceliyo.

Taliyaha Boliska magaalladda Mombasa, Nelson Marwa waxa uu tilmaamay inay jiraan xubno muhiim ah oo ku lug lahaa Dembiyadda ka dhacay Mombasa, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay Labo dhallinyarro oo uu xusay inay tuhunsan yihiin inay ku biireen Xarakadda Alshabaab.

Waxa uu magacyadooda ku kala sheegay Nuradin Khamiisi iyo Jamaal Rashiid, wuxuuna sheegay inay yihiin dad khatar ah oo aan la ogeyn cidda maalgelisa Hawlgaladooda.

Hadalka Taliyaha Boliska magaalladda Mombasa, Nelson Marwa ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Kenya dhawaan shaacisay inay inta badan Dhallinyaradda Kenya booqdaan Websaytyadda ay leeyihiin Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan, si ay ugu biiraan.

Boqolaal Kenyan ah ayaa la sheegay inay ku biireen Xarakadda Alshabaab iyo Dagaalamayaasha Daacish ee dalalka Iraq iyo Syria.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor