Boliska Kenya oo loo diiday fasaxa Dabaaldegga Sannadka Cusub, lagana digay weeraro Alshabaab

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinett ayaa sheegay inaysan jiri doonin fasaxa dabayaaqadda sannadkan, isla markaana ay jiraan shaqooyin looga hortegayo Ammaan-xumidda iyo Weeraro ay Dagaalamayaasha Alshabaab soo qaadaan muddada lagu jiro Dabaaldegga Sannadka cusub ee 2016.

kenyan police 1Waxa uu sheegay in lagu jiro xilli adag, loona baahan yahay inay Ciiddanka Boliska badbaadiyaan dadka rayidka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la ciqaabo kuwa sharciga jebiya.

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinett waxa uu tilmaamay inuu dalku ku jiro Heerkii ugu sarreeyey ee Cabsida Weeraradda, loona baahan yahay inay Boliska shiiqiyaan Cabsida Alshabaab.

Joseph Boinett waxa uu had iyo jeer ka digaa Khataro ku soo fool leh Kenya iyo inay Alshabaab ku hawlan yihiin qaraxyo iyo weeraro ay ka geystaan gudaha Kenya.

© Radio Dalsan                 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor