Boliska Kenya oo lacag dul-dhigtay nin u dhashay dalka Jarmalka oo ay sheegen inuu ka tirsan yahay Alshabaab

Ciiddanka Boliska ee dalka Kenya waxay maanta soo bandhigeen  Sawirka  Muwaadin u dhashay dalka Jarmalka oo ay sheegeen inuu ka mid ahaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee dhawaan Milliteriga Kenya kula dagaalamay duleedka Degmadda Laamu.

Qoraal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inuu ninkaasi isagoo dhaawacan ka baxsaday goobtii lagu dagaalamay.

Waxay sheegeen inay abaalmarin lacageed oo dhan  10-million oo Lacagta Kenya Shillings siin doonaan ciddii keenta warar horseedi kara in la soo qabto Ninkaasi u dhashay dalka Jarmalka.

Boliska Kenya waxay sheegeen inuu ninkaasi hubeysan yahay, isla markaana uu khatar yahay.

Qoraalka ka soo baxay Boliska Kenya laguma sheegin magaca ninka Jarmalka ee ay Sawirkiisa u soo bandhigeen Saxaafadda.

Xigasho: Star

Links http://the-star.co.ke/news/sh10-million-bounty-german-terror-suspect-who-fled-sunday-lamu-attack#sthash.yUmqHLI5.dpbs

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor