Boliska Kenya oo la soo gaarsiinayo Helikoptaro ay kula dagaalamaan Alshabaab.

3 Helikoptar oo ay Boliska Kenya ka soo iibsadeen dalka Jeeg (The Czech Republic) ayaa la filayaa in la soo gaarsiiyo dabayaqaadda Isbuucan.

Koox uu hoggaaminayo Taliyaha Boliska Kenya ee dhinaca Diyaaradaha, Rodgers Mbithi ayaa u tegay dalkaasi si uu ula soo wareego Diyaaradahaasi oo noocoodu yahay  MI 17, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin Diyaarado la soo isticmaalay oo Mustacmal ah.

Waxa uu intaasi ku daray in Diyaarad kale la keeni doono hal bil kadib, si loogu xoojiyo Ciiddanka Boliska Kenya.

Boliska Kenya waxay kaloo Diyaarado Helikoptar ka soo iibsanayaan dalka Raashiya, kuwaasi oo la filayo in ay muddo kooban gudaheeda ku soo gaaraan Nairobi.

Tallaabadan ayaa timid, iyadoo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta horey u sheegay in la xoojinayo Awoodda Ciiddanka Boliska, si ay uga hortagaan weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya, gaar ahaan Goballadda W/bari oo ku dhow xuduudka Somalia.

Uhuru Kenyatta waxa kaloo uu bixiyey kharaj dhan 683 million oo Shillinka Kenya, si Diyaarad cusub oo Helikoptar ah looga soo iibiyo Shirkad  laga leeyahay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Agusta Westlands.

UHURU IN APC BOLISKA KENYA

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor