Boliska Kenya oo ku eedeeyey Alshabaab inay Bas ka soo dhaceen Mandheera

Madaxa Ammaanka ee Mandheera, Alekis Ole Nakooyo ayaa sheegay inay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab gaari bas ah ka soo qafaasheen Mandheera oo ku dhow xuduudka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu tilmaamay in kooxo hubeysan oo tiradoodu dhamayd 10-qof ay gaarigaasi ka soo  qafaasheen Deegaanka Takaaba ee Mandhera, wuxuuna xusay inay gaariga ka dejiyeen rakaabkii saarnaa oo dhamaa 12-qof, ka hor intaysan Baska ula dhaqaaqin gudaha xuduudka Somalia.

“Waxay qaateen Mobaylkii Dareewalka iyo lacago, ka hor intaysan ka gudbin xadka Somalia” ayuu yiri Madaxa Ammaanka ee Mandheera, Alekis Ole Nakooyo, oo intaasi ku daray in lagu raad joogo Dagaalamayaashaasi.

Bishii November ee sannadkii hore, Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab waxay bas ka soo qafaasheen W/bari ee Kenya, iyagoo dilay 28-kii rakaab ee la socday Baskaasi, kuwaasi oo Kirishtaan ahaa.