Boliska Kenya oo ka digay weeraro cusub oo ay Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in weerarkii ay Alshabaab Waaberigii hore ee shalay ku qaadeen Saldhiga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Gobalka Gedo  muujinayso inay qorsheynayaan haddii ay fursado helaan inay weeraro ka geysan karaan gudaha Kenya.

Afhayeenka waxa uu ugu baaqay Gaadiidka Matatu-ga iyo Hoteelladda inay aad u baraaan Shandadaha ay wataan dadka ay adeegaan.

Waxa kale uu tilmaamay in la baari doonin Gaadiidka Dowladda, si loo hubiyo inaysan hub gudbinaynin, wuxuuna ugu baaqay Dadweynaha inay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka.

Dhinaca kale, Afhayeenka Boliska Kenya  waxa uu tilmaamay  inay warar kooban ka hayaan weerarkii ay Alshabaab shalay ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, wuxuuna Suxufiyiinta Kenya uga digay inaysan buunbuunin weeraradda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

“Alshabaab waxay guul u arkaan Hal Sarkaal oo Kenyaan oo ay dilaan, haddii ay Ciiddanka Kenya dilaan 100 Alshabaab ah” ayuu yiri Charles Owino, wuxuuna Suxufiyiinta Kenya u tilmaamay inay saxaan Warbixinaadooda, isla markaana ay taageeraan Hawlgalladda.

©Radio Dalsan          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor