Boliska Kenya oo ka digay weeraro Aargoosi oo ay Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Afhayeenka Adeegga Boliska Kenya, George Kinotio ayaa soo saaray digniintaasi, isagoo sheegay inay Alshabaab khasaaro xooggan kala kulmeen weeraradii ugu dambeeyey ee ay la galeen Ciiddanka Kenya iyo kuwa Dowladda Federalka Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalyahanno badan oo Alshabaab u soo firxadeen dhinaca Kenya, wuxuuna tilmaamay inay taasi cabsi run tahay.

Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay dadweynaha ka codsadeen inay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan dad ay ka shakiyeen, iyadoo Ilaaladda Ammaanka laga codsaday inay dadka iyo gaadiidka soo galayo goobaha ay joogaan marsiiyaan Baaritaanadda Iskireenka.

Digniintan lagu adkeynayo Ammaanka Guud ee Kenya ayaa timid, kadib, markii ay Ciiddanka Kenya sheegeen inay 34 dagaalyahanno Alshabaab ku dileen labo iska horimaad oo ka dhacay Deegaanka Raas-kambooni iyo duleedka Degmadda Afmadow ee Gobalka J/hoose.

Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel David Obonyo  waxa kale oo uu sheegay inay dagaalladaasi ku qabteen Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo uusan magaciisa shaacinin iyo hub kala duwan, waa sida uu u sheegay Saxaafadda.

Bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan, Alshabaab waxay weerar xooggan ku qaadeen Ciiddan Kenyan oo ku sugnaa Xero ku taalla Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, waxayna halkaasi ku dileen ciiddamo Kenyan oo aan tiradooda dhabta ah la ogeyn.

Alshabaab waxay sheegeen inay weerarkaasi ku dileen ilaa 100 Askari oo Kenyan ah, halka kuwo kalena ay u qabteen Maxaabiis ahaan.

Si kastaba ha ahaatee,  In ka badan 900 oo Kenyan ah ayaa lagu dilay Kenya tobankii sanno ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor