Boliska Kenya oo ka digay Weerar ay Alshabaab ka geystaan dalkaasi.

Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa la geliyey Heegan Buux, kadib, markii la sheegay in 9 ka mid ah Kenyanka ka tirsan Alshabaab ku soo wajahan yihiin Kenya, si ay u geystaan weeraro, waa sida hadalka loo dhigay.

Wargeyska The Standard ayaa qoray inay soo laabashadooda u sabab tahay duullaanadda ay Ciiddanka Kenya iyo kuwa Dowladda Federalka ku qaadaan Alshabaab iyo iyadoo jirto cabsi kale, laguna tuhunsan yahay inay Ciiddanka Kenya u basaasaan, waa sida ay Boliska Kenya u sheegeen Wargeyska The Standard.

Afhayeenka Boliska Kenya, George Kinoti waxa uu dadka Kenya ku booriyey inay ka feejignaadaan weeraradda laga filan karo Dagaalamayaasha Alshabaab, waxayna Boliska so obandhigeen sawiradda iyo magacyadda xubnaha la hadal-hayo inay ku soo wajahan yihiin Kenya.

Waxaana magacyadda Shaqsiyaadka lagu kala sheegay: Xabiib Karongo oo lagu naanayso Jureyi, Jumca Were, Maxamed Taajir, C/llaahi Jarso Kotola. Gufu Tari Gufu, Fu’ad Abubakar Mwansab, Abubakar C/qaadir Abubakar, Issa Abdalla Kauni iyo Axmed Saciid Cumar.

Afhayeenka, George Kinoti waxa uu xusay in lga yaabo in weerardda lagu soo beego Munasabadda dadka Kirishtanka ee Easter-ka iyo bilooyinka soo socdo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay hawlgal qorsheysan ka fuliyaan gudaha Kenya iyo Xeryaha ay Ciiddanka ku leeyihiin gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media