Boliska Kenya oo ka digay inay Alshabaab weerar ay ka geystaan Nairobi + Sawirro

Dowladda Kenya waxay ka digtay inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan weerar ay ka geystaan Nairobi ka hor intaysan dhamaamin bishan Barakaysan ee Ramadaan oo ku eg  Luulyo 17-da.

Hadalka Dowladda Kenya ayaa waxaa la socday sawiradda lix qof oo ay ku tilmaamtay inay ka mid yihiin Dagaalamayaashii Alshabaab ee bishii hore  ee June 14-dii ku weerareen Xeradda ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Baure ee duleedka Laamu.
Hadal ka soo baxay Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Sirdoonka ee Kenya ayaa lagu sheegay inay Dagaalamayaasha baxsad yihiin, isla markaana ay yihiin kuwo khatar ah, waa sida ay hadalka u dhigeen.
War-saxaafadeedka ayaa waxaa dadka Kenyaanka looga codsaday inay soo sheegaan haddii ay arkaan Dagaalamayaasha Alshabaab ee la sheegay in labaadi-goobayo.
Warbaahinta dalkaasi ayaa lagu soo bandhigay Sawiradda iyo magacyadda 9 Dagaalame ee ka tirsan Alshabaab, oo 3 ka mid ah ku gereiyoodeen iska horimaadkii kaa dhacay duleedka Laamu.
Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Sirdoonka ee Kenya waxay magacyadda ragga ka tirsan Alshabaab ee ay baadigoobayaan waxay ku kala sheegeen: Mubaarak Abdi Huka, Ibrahim Magaag, Abdalla Suleymaan Makhtuum, Salim Jamaal Mawangi oo loo yaqaano Jamaalow, Raama Mabawana Mabega iyo nin magaciisa lagu soo koobay Omar.
Qoraalka ay Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka Kenya waxay sheegeen in Mubaarak Abi Huka ku biiray Alshabaab sannadkii 2011-kii, kana qeyb galay weerarkii bishii June 4-dii ee sannadkii hore lagu qaaday Deegaanka Mpeketoni ee duleedka Laamu.
Sidoo kale, Ibrahim Magaag oo ku dhashay dalka Somalia, isla markaana magangelyo Qaxooti ka helay dalka Britain lagu qabtay dalka Kenya sannadkii 2007-dii.
Ibraahim Magaag ayaa la sheegay inay walaalo aahaayeen nin haystay dhalashadda dalka Britain, kaasi oo ay Hay’addaha Kenya sheegeen in lagu dilay weerarkii ka dhacay Xeradda Baure ee duleedka Laamu.
Waxaa kaloo la sheegay inay Hay’adda Britain ugu qaabilsan ka-hortagga Argagixisadda ay indhaha ku hayeen ninkaasi, o olagu xiray qalabka wax lagu ilaaleeyo, balse uu Britain si dhuumaalaysi ah kaga soo baxay bishii December 26-dii ee sannadkii 2013-kii.
© Radio Dalsan
 1 2 3 4 5 7

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor