Boliska Kenya oo gacanta ku dhigay labo qof oo ku soo jeeday Somalia si ay ugu biiraan Alshabaab

Boliska Kenya ayaa sheegay inay su’aalo weydiinayaan Labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay doonayeen inay ku biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Wargeyska Coastweek ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in ay Boliska La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ay qabteen labadasi qof xilli ay ku sugnaayeen Deegaanka Madogo ee Gobalka Xeebta, oo ku-dhawaad 3 KM u jirta Degmadda Garissa.

Haweeney Kenyan ah magaceeda lagu sheegay Zakariyad Omwenga, laguna naanayso Salma iyo nin lagu magacaabo Abdi Hussien Ali, laguna naanayso Blacky ayey Boliska qabteen.

Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska kuna sugan Degmadda Garissa ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee XINHUA inay ka shakiyeen Haweeneyda oo laga soo wacay magaalladda  Mombasa, iyada oo ku  sii jeeday inay u gudubto Somalia.

Sarkaalku waxa uu sheegay inay Warbixin ka heleen Boliska Mombasa, si loo qabto Haweeneydaasi, oo ay Boliska jidka u galeen, xilli ay doonaysay inay u gudubto xuduudka Somalia.

Labada Eedeysane ayaa la soo taagay Maxkamadda Degmadda Garissa iyadoo la sheegay in Haweeneyda la doonayey in loo tahriibiyo Somalia, si uu u guursado Dagaalyahan ka tirsan Alshabaab, waa sida laga soo xigtay Maxkamadda.

Dhinaca kale, Maxkamadda Garissa waxay oggolaatay codsi ay Boliska ku doonayaan in la siiyo muddo hal isbuuc ah si ay u dhamaystiraan baaritaanka Labada Eedeysane, ka hor intaysan Maxkamadda dib u dhegeysanin Kiiskooda.

Boliska waxay sheegeen inay baadi-goobayaan Nin kale oo isagana raad ku leh Haweeneyda loo soo kaxayn lahaa gudaha Somalia, kaasi oo Boliska ka baxsaday.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor